Ku Saabsan

Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha & Arrimaha Dastuurka

Sida ku cad qoddobka 37ad, faqraddiisa 2aad ee Dastuurka JSL oo leh “Shacbiga Somaliland waxa uu karaamada Qaranimadiisa u igmaday Dawlad Ku Dhisnaan Doonta Kuna Dhaqmi Doonta Dastuurka”

Taariikh

Bilawgii Hore

Wasaaraddan maanta magaceedu yahay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL, waxa yagleelay Allaah haw naxariistee madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ku beegnaan sannadkii 1995-kii, iyada oo loogu wanqalay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha.

Hadda cimriga Wasaaraddu wuxu gaadhayaa oo ay jirtay muddo dhan 24 sannadood, waxaana soo xukumay 10 wasiir iyo 4 Agaasime guud.

Sidoo kale sannadkii 2013, madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa magaca Wasaaradda u bedelay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi-baadhista Iyo Tignoolajiyadda JSL.

Mar kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa magaca wasaaradda ka dhigay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL ku beegnaan 14 December 2018.

Hadafka

Hiraadka, Hiigsiga iyo Qiyamka Wasaarada

Run ahaantii, in madaxweynaha Qaranku magacaabo Wasaarad Xukuumadda uga mas’uul ah arrimaha Dastuurka ayaa ah tallaabo haboon oo ka marag kacaysa:

  • Fulinta balan-qaadkii madaxweynaha iyo xisbiga ee ahaa sarreynta sharciga,
  • Fulinta waajibaadka Dastuuriga ah ee xilka Madaxweynenimo “Sida ku cad Qod. 37aad, faqraddiisa 2aad iyo Qod. 74aad, faqraddiisa 1aad”.
  • Fulinta xilka xukuumadda ka saaran Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hiraal

Hiraalka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL, waa in Shacbiga Somaliland ahaato:

  • Bulsho Tixgelisa Sarreynta Sharciga,
  • Laamo Iyo Hay’addo Dawladeed OoTixgeliya Dastuurka Qaranka,
  • Muwaadiniin Ixtiraama Dastuurka Qaranka,
  • Xoojinta Xidhiidhka Shaqo Ee Waaxda Fulinta Iyo Goleyaasha Sharci dejinta “Guurtida Iyo Wakiiladda”.

Hiigsi

Higsiga, Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL, waxay u hawl-gelaysaa:
Hirgelinta Hawlaha Qorsheysan,

  • Kaashiga Daneeyayaasha Iyo Shacabka Somaliland,
    Hormeynta Hawlaha Wasaaradda iyo Dejinta Qorsheyaasha,
    Xoojinta Heerka awoodda Fulinta Wasaaradda,
    Dejinta Mudnaannaha Wasaaradda.

Qiyam

Qiyamka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL, waxa ka mid ah:

  • Sarreynta Sharciga,
  • Ka Qayb-gal Iyo Metelaad,
  • Sinnaan Iyo Caddaalad,
  • Daah-furnaan,
  • Isla Xisaabtan,
  • Isku Dheelitir.

Team

Xilka Iyo Waajibaadyada Shaqo


Sida ku cad Qod. 26 aad ee Xeer Nidaamiyaha Xukuumadda “Xeer Lr. 01/2018, xilka iyo waajibaadyada shaqo Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL. Waxa ka mid ah waajibaadyadan soo socda:

  1. Inay ka shaqayso isku xidhka iyo wada shaqaynta golaha xukuumadda iyo golayaasha xeer dejinta (Guurtida iyo Wakiilada).
  2. Inay ka shaqayso sidii loo meelmarin lahaa hawlaha xukuumadda ee horyaal golayaasha xeer dejinta.
  3. Inay kala taliso Madaxweynaha arrimaha ku saabsan xidhiidhka golayaasha xeer dejinta, xeerarka kaga yimaada golayaasha xeer dejinta iyo arrimaha Dastuurka;
  4. Inay ka shaqayso Isku duwidda hawlaha lagama maarmaanka u ah ansixinta madaxda sare ee xukuumadda ee Madaxwaynuhu magacaabo ee u

Qaab Dhismeed

Waaxyaha Wasaarada

Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka JSL, waxay ka kooban tahay todoba waaxood, madax qaybeedyo, xafiis unugeedyo badan, waxayna kala yihiin:

  • Waaxda Arrimaha Dastuurka,
  • Waaxda Maamulka Iyo Lacagta,
  • Waaxda Qorsheynta Iyo Xog Ururinta,
  • Waaxda Wacyi-galinta iyo xidhiidhka goboladda,
  • Waaxda Xidhiidhka Goleyaasha,
  • Waaxda Xallinta Khilaafaadka,
  • Waaxda Cudduda Shaqaalaha.